Laba kooxood oo ka soo wada jeeda hal wadan ayaa u soo wada gudbay wareega kama dambaysta ah  | www.somalifootball.com

Published on May 6, 2011 by jerryuk   ·   19 Comments

waxayna kala yihiin labadaas kooxood Braga  iyo FC Porto oo ka wada dhisan wadanka Portugal,
xalay ayay aheed markii ay FC Porto ay 7 iyo 4 uga soo badisay kooxda Spanish-ka ah ee Villa Real
eyadoo lugtii hore ee ciyaarta oo ka dhacday guriga Porto ku soo dhamaatay 5 iyo 1 oo Porto ay ku hogaaminaysay
balse markii lugtii labaad la iskugu soo laabtay ayaa Villa Real usuura gashay inay 3 gool dhaliso,
hase ahaatee Porto ayaa eyadana dhalisay laba gool oo dheeraad ah
waxayna ciyaartii ugu dambayntii ku soo idlaatay Porto 7 Villa Real 4,
 
 
dhanka kale ciyaartii sidoo kale dhex martay Braga iyo kooxda kale ee ay isku wadanka yihiin ee
Benfica ayaa ku soo dhamaatay 2-2
waxaana guushii la hoyday kooxda Braga oo ku soo baxday (away goal)
goolkaas oo ay Braga ku soo dhalisay guriga Benfica,
sidaas ayayna ku soo  baxday kooxda Braga,
 
ugu dambayntiina 18ka bisha May ayaa lagu wadaa inay Braga iyo Porto ku kulmaan ciyaarta finalka ah
oo ka dhici doonta garoonka caalamiga ah ee loo yaqaan AVIVA Stadium ee Magaalada Dublin ee wadanka Repuplic of Ireland
waana markii ugu horeysay oo magaalada Dublin ay ku marti galiso laba kooxood oo Purtugal ah ciyaarta finalk ah,
 
si kastaba ha ahaatee kooxda ku guulaysata koobka Europe League iyo kooxda sidoo kale ku soo guulaysata
koobka UEFA Champions League
ayaa ku wada ciyaari doona koobka loo yaqaan Super League ee bisha Agosto lagu qabta sanad kasta
magaalada Manoco ee wadanka France.
 
natiijooyinka ciyaaraha kubada cagta kala soco warbaahinta madaxa banaan ee somalifootball.com
 
Bashir Shidane Halane
([email protected]

Barcelona iyo Real Madrid ayaa laga yabaa in isku aadka maanta uu ugaga soo baxo El Clasico, ama …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *